Sawirro: Shacabka Hobyo oo ka banaanbaxay Tacadiga lagu hayo Maxaabiis Ku xiran Hindiya

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Mudaharaad ka dhan ah dawladda India oo ayaa maanta ka dhacay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Dadwaynaha isku soobaxay ayaa ka caraysnaa xukun dil ah oo ay dawladda India ku ridday in ka badan konton muwaadiniin Soomaali ah oo lix sano ka hor ay ciidamada badda ee dalka India ka qafaasheen gudaha badda Soomaaliya.

Muwaadiniintaas ayaa lixdii sano ee u dambeeyey waxay ku jireen xabsiyada dalka India, waxayna Dawladda India sheegtay inay burcad-badeed ahaayeen, Balse dad badan oo Soomaali ah ayaa tallaabadaan ka xumaaday.

iyadoo ku tilmaamay tacaddi iyo denbi wayn oo dawladda India ay ka gashay muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna dadkaas la xukumay ahaayeen kalluumaysato baddoodii ka jilaabanayey, oo si xad gudub ah ay ciidamada India kusoo galeen badda Soomaaliya.

Dibadbaxayaasha ayaa baaq u diray dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug in ay arintan deg deg wax uga qabtaan.

Sidoo kale waxaa banaanbaxyo kuwaan la mid ah ka dhaceen magaalooyinka Galkacyo iyo Ceelhuur.

fb_img_1474819915552 fb_img_1474819911448 fb_img_1474819907436 fb_img_1474819902805 fb_img_1474819897548

Comments are closed.